Cali Dhuux Aadan Gabayga, Allahu Akbar.
………………………………………………………………… Cali Dhuux Aadan oo ahaa nin gabyaa caan ah, jihaadkii iyo halgankii gobonimo doonka ahaa ee Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille Xasan Hogaaminayey, kagana soo horjeeday Ingiriiska, Cali dhuux iyo sayidka colaad weynbaa u dhaxaysay, waxaa jirta in sayidku fariin usoo diray cali Dhuux oo ay ahayd sidatan Rabboo ku ceynshiyo anoo ku cafaya mooyaane Wallee caafimaad uma fadhidid Caliyow buhoodle Calina waxuu aad isku dayey in Daraawiishtu kala tagto gabaygan hoos ku qoranba waad ka garankartaa wuxuuna yiri: Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene Abtiyaalladaa iyo ku nece ururtii Reer Khayre Arboow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa tage e Waxaan uubateeyaba tolkey oodda soo jebiye Axmaqyahow kuwaad ku amranayd idinka ma ahayne Waa uur gaslow Aadan-dhagax odayadaadiiye Abtirsi...