Sayid M Cabdille Xasan Gabaygii: Hanfi iyo Hunguri.
——————————————————–
Markii Taleex la dhisay oo ay Darawiishtii xarun u Noqotey, magacoodii iyo maalkoodii kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah mooyee. aan aadane waxba ka tarayn ,murtidii iyo gabayadiina si aan qiyaas lahayn u soo baxeen ayaa Daraawiish ammaan iyo af-laggaadaba gabayo badan loo soo mariyey.
Cali jamac Haabiil oo ay sayidka xafiiltan lahaayeen raggii daraawiish ka soo horjeedeyna oo gaalada ingriiska u shaqaynka jiray ka mid ahaa ayaa dhawr gabay oo ceebayn ah Sayidka u soo diray. Inkastoo sayidku gabaygaan dadoo dhan wada mariyey; haddana ugu weyni waxay ahayd calijamac, in loogu hal daro . U FIIRSO: Gabaygaan wuxuuna ina tusayaa murti, aftahamo iyo hadal-oqoontii Eebbe weyne hoodo uga dhigay Sayid maxamed cabdulle xasan.
Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo,hinif dabayl baa leh
Hanqar iyo hillaac bililigliyo,halalac roob baa leh
Cir habqamay xareed laga harqaday,haradigeed baa leh.
Xiin hawle iyo heega curan,hogol daruuraa leh
Hir doogliyo caleen hamasha iyo,habatac ciid baa leh
Maal hooray ciir laga hanfaqay,seben hagaagaa leh
Caanaa had iyo jeera iyo heeshi,ramag baa leh
Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo,hawl yar ari baa leh
Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh.
Habaqliyo harraad iyo kulayl,hilin abaaraa leh
Hadii hadowga geedood engego,horasho ceel baa leh
Hagahagi hunguri duulayiyo,hogo kaliil baa leh
Harac iyo qabow lala herjado,hadh iyo raaxaa leh.
Hawo iyo hilow gacalo iyo,hurud nabdoon baa leh.
Hanfariir in loo kala ordiyo,hunuf dareen baa leh
Lugi waa higiishee himmiyo,halabsi neef baa leh
Haad iyo haldhaa roori iyo,huguf gammaan baa leh
Gorgor samada heehaabi iyo,huguguf Dhooddaa leh.
Hanaf booddo iyo xoog sengiyo,hadafa buubaa leh
Himbiriirsi meel foga magaan,higigifleeya leh
Hadii nadigu haaraha ku dhigo,haawis xamar baa leh
Aar soo hingoodiyo bad iyo,hugun rasaas baa leh
Habaas kacay halaakiga dhacsiga,halowna geesaa leh
Haliilyaale aan dhiirran iyo, haadiis fuley baa leh
Hankakoobsi iyo booto iyo,hoobsi guluf baa leh
Hamham iyo humsiga reenka iyo,higilla guutaa leh
Hannas weerar iyo qaylo iyo,hirif colaad baa leh
Heeraa in laysula bixiyo, heeggan dirir baa leh
Hirey iyo wirey maalintey, humuro joogtaa leh
Haadaa qabiilnimo nimaan,lagu holeyn baa leh
Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh
Hadal ruma Daraawiishta iyo,weli hanoonaa leh
Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh.
Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
Wixii habar majeerteen iyo,halamash naagaa leh
Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh.
Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo.
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo
Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh
Hoobaaq laguu qodahayiyo,hagar shisheeyaa leh
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgi heeraa leh
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh.
Inaad luqunta hoogaamisiyo,hogosho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhiraad,hibasho maag ba leh
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh.
Hoh! iyo caku iyo hiif ninkii,hawkar galay baa leh.
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray astaadkaa leh.
Heeggaa in loo maro arlada, habi la’aan baa leh,
Hor Ilaah in loo jeensadiyo,haajir culimaa leh
Haawiyada naareed ninkii, ferenji haystaa leh
Iidoorka hoosada Berbera,ka hawisaa hey! leh
Harag uraya Muusa-Carrihii hoodhi jirey baa leh,
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hogey Arab baa leh
Xaal hadura habaryonis iyo herer nin joogaa leh.
Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh
Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh.
Xididnimo habboonkeed ninkii,lagu hirtaabaa leh
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoydaa leh,
Hidda xumo gobey heerle iyo, horinta cawl baa leh.
Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
Hodya deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
Hannaan qurux san haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh.
Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo
Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka
Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh.
Hal madow higgaad iyo Quraan,”H” iyo “W” reebban,
Harannimiyo hooyaale gabay heello iyo maanso,
Nin kaleba naftiisa ha hafree ,hoodo anigow leh.
Comments
Post a Comment