Cali Dhuux Aadan Gabayga, Allahu Akbar.

…………………………………………………………………

Cali Dhuux Aadan oo ahaa nin gabyaa caan ah, jihaadkii iyo halgankii gobonimo doonka ahaa ee Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille Xasan Hogaaminayey, kagana soo horjeeday Ingiriiska, Cali dhuux iyo sayidka colaad weynbaa u dhaxaysay, waxaa jirta in sayidku fariin usoo diray cali Dhuux oo ay ahayd sidatan 

Rabboo ku ceynshiyo anoo ku cafaya mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid Caliyow buhoodle

Calina waxuu aad isku dayey in Daraawiishtu 
kala tagto gabaygan hoos ku qoranba waad ka garankartaa wuxuuna yiri: 

Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene
Abtiyaalladaa iyo ku nece ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadan iyo Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan kii arsaa’ilaye —     –Cali Dhuux Aadan

Gabayga, Allahu Akbar.

Aabowda uun bay hayaan kii arsaa’ilaye 

Comments

Popular posts from this blog

Sayid Maxamed Cabdille Xasan [Gabaygii lamagac baxay: Koofil]

Ismaaciil Mirr e Gabay:- Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado

Ismaaciil Mirre : Gabayg:- Guuguulle