Sayid M Cabdille Xasan Gabay:Ragga Ayl u Kacayow ———————————————————–
Waxaa la weriyey guyaashii Daraawiishi fadhiday Ayl iyo Ilig,xaruntiina Gelingaalle ka waabnayd ayaa daraawiish la oran jirey Aw jaamac,ragga daarta Daawad hayana ka tirsanaa,wiil ku dhalayna daraawiishta u hagaajiyo”Banaatiikhda” ka xumaata,buntukhuu hagaajiyana inuu qaalin geel ah ka qaato Sayid Maxamed u xukumay,Aw jaamacna xoolaha dhaqaaleeyo,sayidkuna ari fiican siiyey ayaa laba hal oo gabaya tiriyey oo waxuu yiri:
Astaadkiyo ismaaciilba waa ururin doonaane
Arsuqayga Eebbaa hayee adarka ii buuxi
Kaddibna waxaa lagu xujeeyey inuu arigii wada qashay oo damacsan yahay inuu Daraawiish ka tago.Dabadeed sayid Maxamed wuxuu u mariyey gabaygan waxuu yidhi:-
Ragga Ayl u kacaayow fariin aada iga geeya
Aw jaamac dhaha aakhiriyo Eebbe ha illaawin
Nabsigaan ayaan soo dhaxayn adigu haw yeeran
Uquubiyo inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan
Nin ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Halkii kuu ekaad adigu tahay anafo haw yeelin
Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiye
Ururkaaga uun dhereg la doon waa allow sahale
U adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye
Arigaaga dhaqo cayri waa taad abuur garane
Adarka ha ku ridin koolahaad ku amranaydeene
Adduunyada ku tacab maanta waa aakhiruu sebene
Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Arsuqaaga Eebban haye axanka hays dhaafin
Comments
Post a Comment