Sayid Maxamed Cabdille Xasan [Gabaygii lamagac baxay: Koofil]



—————————————————–
Markay taariikhdu ahayd 1913 ayaa Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo Cawaankiis iyo kuwii Miirada u ahaa. weerar lixaad leh ku ballaariyeen degmo tiil Burco iyo agagaarkeeda.Maal waxay lahaayeena gacantay ku dhigeen.Nimankii xoolaha la dhacay lahaa iyo Ingiriiska oo isasoo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday. Gaal la odhan jiray ‘RICHARD CORFIELD’ oo ka mid ahaa madaxdii ciidammada Ingiriiska dalka Soomaliya u fadhidey,madaxna ka ahaa rakuubleydii Ingiriiska(Camel Corps) ciidankiisii iyo raggii xoolaha oo galabtii Beer maraya bay garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda. Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihi oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen dagaalna ugu hub qaadeen.Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday “Corfield” oo colka gaalada madax u ahaa la dilay,raggiisina waa la jabiyey.Madaxdii “Koofil” iyo gacantiisii midig Taleex baa la keenay si loo rumaysto geerida gaalka.Waxaa la yaab leh nin la odhan jiray Ina-weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa “Koofil” xoola ka dhacay, dadkiisiina si xun u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeed ninkaasi wuxuu tirshey gabay kugaan ah oo uu “Koofil” ku habaarayo,waxaana gabaygiisii ka mid ahaa: 

Sayidkoo wax galay raacdadoo,la isku soo gaaray
Adiga iyo gubniga aad waddaa,gobootaal noqo e 
Girligaanku kaa joogsay oo,guuxa kaa damiye
Ku goosgooste nimankii kufriga,gaajaduu qabaye
Afkuna”gow” ku yiri xaajadaad,gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay,gaajadaas badaye

dabadeedna,siduu”Koofil” u ya’day baa loo diley. Jahaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid maxamed ku yidhi Ismaaciil mire: xarunta uga waran jahaadkii,ambabixinnii,weerar dagaalkii gebagabadinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay,dabadeedna Ismaaciil mire wuxuu mariyey gabaygan 

Annagoo taleex naal,jahaad taladii soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo darwiish, toogatay neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynnay.

markaa kaddibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey,oo wuxuu yidhi: 

Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla’aaneede 
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato

Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto 
Sida Eebahey kuu jirabay, mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh 
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh 
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego 
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji

Nafjeclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh 
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh 
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh

Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh 
Dhaaxaan jalleecaye dheg baan, jalaq la ii siinin dheh

Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday 
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh 
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh

Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh 
makay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh

Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh 
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh 
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh

Haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jil roonaa dheh 
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh 
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh

 

Comments

Popular posts from this blog

Ismaaciil Mirr e Gabay:- Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado

Ismaaciil Mirre : Gabayg:- Guuguulle